Monday, July 14, 2025

Maxaa ka jira in Madaxweyne Farmaajo 100 Milyan Doolar kasoo helay Imaaraadka Carabta..? [Warbixin]

Warar kaal duwan ayaa hareeyay socdaalkii madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tegay dalka Imaaraadka Carabta.

Wararkaas qaarkood ayaa sheegaya in Dhaxal sugaya Imaaraadka uu madaxweyne Farmaajo siiyay lacag dhan 100 Milyan doolar, lacagtaas oo la dhaafsaday heshiisyo qarsoodi ah iyo in dowladda ka aamusto heshiisyada imaaraadka kula wareegay dekadaha dalka iyo saldhigga Berbera.

War ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaan wax faahfaahin ah ka bixin su’aalo badan oo ka taagan natiijadii socdaalkii Farmaajo ee Imaaraadka, waxaana kaliya lagu qoray qoddobo kooban.

Xog ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in dhaqaalaha madaxweyne Farmaajo ka soo helay Imaaraadka Carabta uu intiisa badan yahay balanqaad, ayna ku jiraan 15 Milyan doolar oo bil waliba la siinayo dowladda oo qeyb ka mida loogu talogalay in lagu bixiyo mushaarka ciidamada.

Dhaqaalaha kale ee Imaaraadka balanqaaday ayaa ahaa deeq loogu talogay abaaraha iyo macaluusha ka taagan Soomaaliya oo dhan 100 Milyan oo Dirham.

Balanqaadyada Imaaraadka waxaa ka mida in Farmaajo gacan laga siin doono si gaara ujeedooyinkiisa siyaasadeed, lana xalin doono xaalad kasta oo kasoo wajahda Baarlamaanka.

Dalalka Carabta ayaa caadiyan dhaqaale dhowr milyan oo doolar ah siiya madaxda soo booqata ee dunida saddexaad, waxaana loo yaqaan gacan-qabsi iyo sooryo madaxweyne, taasoo aan ka mid ahayn deeqda caadiga ah, madaxda Soomaalidana ay caadeysteen inay si shaqsi ah u qaataan lacagtaasi, sida Madaxweyne  Famaajo uu yeelay 5 Milyan doolar oo Boqorka Sacuudigu uu ka soo helay markii uu booqday safarkiisii ugu horeeyay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON