Iyadoo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Galmudug ay sii kordheyso ayaa wararka laga helayo magaalada Cadaado ay sheegayaan in culeys milateri la dul dhigay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.
Kulan maanta la filayay inay yeeshaan xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa u baaqday xaaladda kacsan ee magaalada Cadaado iyo ciidamo abaabulan oo taabacsan madaxweynaha Galmudug.
Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey) laga hor istaagay inuu ka duulo magaalada isagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

Xiisadda ayaa bilaabtay markii Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ay ka hor yimaadeen go’aankii madaxweyne Xaaf ku taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Galmudug.
Xaaf ayaa madaxda dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan maamulkiisa, waxaana la abaabulay bannaanbaxyo lagu taageerayo Xaaf oo ka dhacay Gaalkacyo iyo Cadaadp.