Tuesday, July 15, 2025

Maxaa ka jira warka kasoo yeeray Wasiir Goodax ee ah inuu fashilmay Imtixaanka Puntland?

Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa halkaasi ka sheegay in imtixaanka dugsiyada sare ee Maamulka Puntland ee maanta ka bilowday degaanadasi uu fashilmay, ayna dhacdo in imtixaannaadu ay suuqa galaan.

Wasiirka wasaarada waxbarashada Dowlada Federalka Cabdulaahi Goodax Barre ayaa soo xiganayey hadal maanta kasoo yeeray Madaxweynaha Putland Siciid Deni xilli uu maanta furay imtixaanka dugsiyada Sare ee Puntland. isagoo sheegay in mid kamida maadooyinkii imtixaanka maanta ay suuqa gashay, balse ay degdeg u bedeleen, laakiin warka Wasiir Goodax ayaa siyaabo kala duwan loo fasiray isagoo ahaa mid ku wajahan imtixaanka Puntland.

Wasiir Goodax Barre ayaa si weyn loogu cambaareeyay go’aankii uu joojiyey imtixaankii wasaaradiisa ee suuqa galay, waxaana uu ku dooday in 120 goobood oo imtixaanka lagu qaaday uu hal meel oo kaliya ka baxay.

Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa hore ugu fashilantay in imtixaanka dowladda la gaarsiiyo maamulka Puntland oo diiday inuu qeyb ka noqdo imtixaanka dugsiyada sare ee Dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON