Waxaa dagaal haween shalay dhex maray laba xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo dagaalkaasi uu markii danbe isu bedeley olole siyaasadeed.
Goojoogayaal madax bannaan ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen xildhibaanad Muno Khaliif Sheekh Abuu (Muna Key) iyo walaasheed oo weerarayr ah ku qaaday xildhibaanad Luul Cabdi Adan oo xilligaasi ku sugneyd barxadda baabuurta la dhigto ee xarunta Baarlamaanka, waxaana soo dhex galay ciidamo boolis ah oo goobtaasi ka dhowaa iyo dad kale oo kala qabtay.
Muno Key Walaasheed waxay wejiga ka dhaawacday xildhibaannad Luul Cabdi oo ay kala dhacday Kabo iyo walxo lagu sheegay Mindi, waxaana dagaalka ka qeyb qaadatay Muno Key oo markii danbe ku dooday inay iyadu kala celineysay xildhibaannada iyo walaasheed, waxaana markii danbe la xiray Muno Key Walaasheed oo falkan loo heysto.
Saacado ka dib waxaa damiin lagu sii daayey Muno Key Walaasheed, iyadoo uu damiintay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo caan ah, laakiin ciidamada Booliska ayaa mar kale maanta soo xiray markii ay ka war heleen inay magaalada Baydhaba u dhoofeyso, waxayna Muno Key ay dadaal u gashay inay ciidamada Booliska ka hor istaagto.
Warar qaar ayaa sheegaya in arrimo shaqsi ah iyo kuwo haween uu salka ku hayey khilaafka u dhaxeeyay labada xildhibaan ee Muno Key iyo Luul Cabdi, intii aysan Muno adeegsan walaasheed oo dagaalka ku qaadin.
Muddo kadib waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaallo ay soo duubtay xildhibaan Muno Key oo arrintii dhacday ka dhigtay mid siyaasadeed, isla markaana sabab uga dhigtay in loo heyso codkii loo qaaday xeerka Bankiga Dhexe, iyadoo dad badan u heshay qeylo dhaanteeda, halka dhibane xildhibaan Luul Cabdi Axmed aan warkeeda la maqlin.
Ciidamada Booliska ayaa hadda gacanta ku haya kiiska, iyadoo baaritaan lagu hayo, waxaana laga yaabaa in Muno Key dacwad lagu soo oogo, iyadoo xilliga dagaalka dhacay ay goobjoogayaal goobta ku sugnaayeen.