Xaaladda magaalada Baraawe ee xarunta KMG ah maamulka K/Galbeed ayaa kacsan, kadib dagaal culus oo ka qarxay shalay Galabnimadii, kaasoo dhex maray Ciidamada Milateriga dowladda iyo Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.
Qasaaraha dagaalkii shalay shalay iyo xalay ayaa la sheegay inuu ka badan yahay 10 qof oo dhimasho ah oo isugu jira ciidamo iyo shacab iyo dhaawaca ku dhowaa 20 kale, waxaana weli taagan xiisadii ka dhalatay dagaalka, iyadoo aysan jirin isu socod iyo ganacsi furan magaaladaasi.
Taliyaha ciidamada Milateriga ee Baraawe ku sugan Cabdiraxman Cilmi ayaa sheegay in ciidamada K/Galbeed ay si cunsuriyad ah u dileen saraakiisha ciidamadii Milateriga oo saddex sarkaal ay hal goob ku laayeen shalay.
Wuxuu caddeeyay in dagaalku ka dhashay arrin fudud, markii Haweeney Shaah iibisa ay askari weydiisatay lacag ay ku lahayd, kadibna uu ku yiri: “Af aan fahmayo igula hadal”, kadibna askar ka tirsan Daraawiishta K/Galbeed ay weerar ku qaadeen saraakiisha ciidamada.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu socdo dadaal xal loogu raadinayo dagaalka ka dhacay magaalada Baraawe, iyadoo ay ku wajahan yihiin mas’uuliyiin ka tiran dowladda Federaalka iyo maamulka K/Galbeed.
Waxaa xusid mudan in dagaalka Baraawe uu baraha bulshada ka dhaliyay xaalad caadifad qabyaaladeed oo ciidamada dowladda lagu tilmaamayo inay yihiin Beel kusoo duushay degaanka, halka dhinaca kale ay beel ku difaacayaan ciidamadaasi.