Sunday, July 13, 2025

Maxaa ka socda Daljirka Dahsoon? (Ciidamo badan oo la dhigay wadooyinka soo gala Taallada..)

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo badan la dhigay Taallada Daljirka Dahsoon iyo agagaarkeda oo lagu wada inuu Berri ka dhaco bannaanbax looga horjeedo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ciidamo dowlada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay Daljirka Dahsoon, iyadoo joojiyey isu socodkii gaadiidka, waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan in ciidamadaasi ay ka hortegayaan Bannaanbax mucaaradka iyo inay amniga ilaalinayaan.

Ciidamadan ayaa sidoo kale lagu arkay xaafadaha u dhow Taalladda Daljirka Dahsoon iyo degmooyinka Boondheere, Shibis, Xamarweyne iyo wadooyinka u dhow goob lagu waday inay isugu tagaan taageerayaasha musharixiinta Madaxweynaha.

War goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in war cusub ay soo saarin doonto xukuumadda galabta oo ku saabsan bannaanbaxa ay hore u ogolaatay inuu ka dhaco Daljirka Dahsoon markii ay wadahadal yeeshaan Ra’iisal wasaarhaa xukuumadda xil gaarsiinta iyo Midowga Musharixiinta.

Xaaladda Muqdisho ayaa maanta degan, iyadoo uu fashilmay shirkii Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya iyo Midowga Musharixiinta ee xalay ka dhacay Hotelka Decale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON