Wednesday, July 2, 2025

Akhriso: Afartii Qodob ee ay isku mari waayeen RW Rooble iyo Midowga Musharixiinta

Shirkii Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday, kadib markii ay isku mari waayeen qodobkii ugu weyna ee ay wateen Musharixiinta.

Midowga Musharixiinta ayaa soo bandhigay afar qodob oo ay xalay ka doodeen labada dhinac, isla markaana ay ku kala tageen, halka dhinaca Ra’iisal wasaaraha uu shaaciyey in lagu kala tegay qodobka ku saabsan in Musharixiinta laga qeyb geliyo Shirarka wadahadalka Doorashada.

Qoddobada dooda kulankii aan xalay la yeelanay Raysalwasaaraha xukuumada xil gaarsiinta waxay kala ahaayeen:

1- In madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in masuuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo.

2- Si loogu kalsoonaado amaanka dalka iyo kan doorashooyinka in ciidanka laga saaro siyaasada, lana bedelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo taliyayaasha ciidanka ee qaybta ka ahaa weerarkii 19 Febraayo, kuwa cusubna laga saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan.

3- In la furo masaaxada siyaasada oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dibadbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doorashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado.

4-In la caddeeyo ka qaybgalka Midowga ee wadahalada doorashooyinka. Raysalwasaaraha inta uu wax ka qaban karo ha u cadeeyo shacabka Soomaaliyeed, go’aanadeedana ha qaato.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON