Waxaa goor dhoweyd ka furmay magaalada Baydhaba munaasabadda khudbad jeedinta musharixiinta Madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya.
Sida ay sheegeen Guddiga Doorashada K/Galbeed waxaa maanta khudbadahooda musharaxnimo jeedinaya saddex musharax oo ka mida lix musharax oo tartanka u taagan, waxaana ka maqan musharaxa lixaad Mukhtaar Roobow Cali oo Khamiistii laga soo xiray magaalada Baydhaba loona gudbiyey magaalada Muqdisho.
Saddexda musharax ee khudbadahooda jeedin doona ayaa kala ah:
1- Aadan Maxamed Nuur (Saransoor)
2- Xuseen Cismaan Xuseen (Uurkuus)
3- iyo Dr. Ibraahim Macalin Nuur
Waxaa goobta ku sugan saddexda musharax iyo xildhibaannada Baarlamaanka K/Galbeed, waxaana goor dhoweyd bilaabatay khudbad jeedinta musharaxiiinta xilka madaxweynaha K/Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo la shaaciyey inay kulanka ku sugan yihiin 130 xildhibaan.
Maalinta berri ah ayaa la sheegay inay khudbado jeedin doonaan laba musharax oo uu ka mid yahay Musharaxa dowladda Soomaaliya sida weyn u taageereyso C/casiis Lafta-gareen.
Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa maanta degan, kadib markii ciidamo boqolaal ah la dhigay xaafadaha magaaladaasi, waxaase weli xiran wadooyinka qaar ka mida xaafadaha magaalada Baydhaba.