Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa ku jira xiisad ka dhalatay diidmada Maamulka Gedo ee Guddiga xaqiiqo raadinta arrimaha Doorashada oo tegi lahaa magaaladaasi.
Maamulka Gobolka Gedo iyo degmada Garbahaarey oo hoostaga Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku gacan seyray inay Garbahaarey tagaan Guddiga uu hoggaaminayo Ła-taliyaha Ra’iisal wasaaraha ee loo xil saaray inay xal u helaan sidii doorasho uga dhici lahayd degaan doorhasada labaad ee maamulka Jubbaland.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la isku mari waayey dadaal ay wadeen ciidamada AMISOM ee ku sugan Garbahaarey si ay halkaasi u geeyaan wafdiga Guddiga Rooble magacaabay oo ay doonayeen inay saaka halkaasi ka degaan.
Dhinaca kale waxaa xaaladda Garbahaarey ay saaka yeelatay muuqaal cusub markii ciidamada taabacsan madaxtooyada Soomaaliya lagu arkay Garoonka Diyaaradaha Garbahaarey, si ay uga hortagaan wafdiga Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Waxaa kaloo maanta ka socda Garbahaarey abaabulka bannaanbax looga horjeedo Guddiga Ra’iisal wasaare Rooble magacaabay iyo xukuumadda Rooble, iyadoo xaaladda ay tahay mid kacsan, waxayna xaaladda u muuqataa mid faraha kasii baxeysa.
Maamulka Gobolka Gedo ayaa shalay ka mamnuucay diyaaradaha taga magaalada Garbahaarey inay halkaasi u qaadaan Guddiga Ra’iisal wasaare Rooble magacaabay.
Arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay keento in kuraasta taalla magaalada Garbahaarey laga wareejiyo magaaladaasi.
