Friday, June 27, 2025

Maxaa ka socda Nairobi..? (Ololaha Dowladda Kenya oo kulmiyey Wafdigii Somaliland & C/raxman C/Shakur)

Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole xoog leh ayaa ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasoo qeyb ka ah dagaalka diblomaasiyadeed ee dowladda Kenya ku heyso Soomaaliya, waxaana dagaalkaasi hadda uu yeeshay weji cusub markii lagu soo biiriyey maamulka Somaliland.

Warar hore u soo baxay ayaa sheegayey in dowladda Kenya ay xoojineyso cadaadiska ay ku heyso dowlada Somalia si ay uga laabto dacwadda xuduudka badda ee labada dal uga socota maxkamadda Cadaaladda, iyagoo taageero siineysa maamul goboleedyada ku kacsan dowladda Somalia iyo soo dhoweyn loo sameynayo Somaliland oo ay ku jirto inay dowladda Kenya ka fekereyso heshiisyo ay la gasho iyo aqoonsi kooban.

Arrinta la yaab leh ee ugu danbeysay ayaa noqotay in mid ka mida mucaaradka ugu weyn ee dowladda Soomalaiya C/raxmaan C/shakuur Warsame uu agaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay wafdigii ka socday Maamulka Somaliland ee halkaasi ku sugnaa maalmihii ugu danbeeyay, waxayna arrintan noqotay mid si weyn looga hadal hayey baraha bulshada.

Sawir la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyey shir ay ku wada jiraan C/raxmaan C/shakuur, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe iyo xubnah kale ee wafdiga Somaliland.

This image has an empty alt attribute; its file name is D7L-a1ZW4AEMI0k.jpg

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON