Monday, June 23, 2025

Maxaa ka soo baxay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya..? [Mooshinkii..?]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Alcusaam.

Kulankan ayaa la sheegay inay labada dhinac uga hadleen xiriirka labada dal iyo xaalado ka dhex taagan, waxaana safiirka Imaaraadka la sheegay inuu dalbaday kulanka inuu noqdo mid gaara oo labadooda u dhaxeeya.

Wakaalada wararka Imaaraadka ayaa shaacisay kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Imaaraadka iyadoo sheegtay in madaxweyne Farmaajo bogaadiyay mowqifyada dowladda Imaaraadka iyo taageerada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada kala duwan ee ay Soomaaliya siiso.

Ad

Wuxuu dalbaday taageero Imaaraadku ka geysto abaaraha ku dhuftay Soomaaliya oo kala bar dadka Soomaalida ay u baahan yihiin gargaar.

Safiirka Imaaraadka ayaa isna shaaciyay in dowladd Imaaraadka ay taageero degdeg siin doonto Soomaliya si ay gacan uga geysato xaalada ka dhalatay abaaraha.

Kulankan ayaa ku soo beegmay xilli xiriirka labada dal u sii xumaanayo, iyadoo Imaaraadka uu isla maanta la wareegay dekadda Boosaaso, kadib heshiiskii saldhiga milateri ee Berbera oo muranka badan ka dhashay.

- Advertisement -

War xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Mooshin ka dhanka ah heshiiska Berbera oo Baarlamaanka Soomaaliya hor yaalla ay madaxda sare ay hoos u dhigayaan, sida uu dalbaday Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya.

 

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON