Golaha Wasiirada Galmudug ayaa kulan xasaasi ah xalay ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo shirka uu gaaray kadib Saqdii Dhexe ee xalay.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Galmudug, siiba sida loo wajahayo kacdoonka kooxda Ahlu suna oo dhowaan qabsatay magaalada Guriceel, Arrimaha Doorashada iyo dhibaatooyinka heysta maamulka uu hogaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Shirka Golaha Wasiirada oo soo dhammaaday saacado badan kadib ayaa war kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug lagu sheegay inay dood iyo falanqayn dheer kadib Golaha wasiiradu Galmudug soo saareen qodobada soo socda.
1. Goluhu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug,
2. Goluhu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.
3. Goluhu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka ayadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso in ay gutaan waajibaadkooda.
Shirkan ayaa kusoo beegmay iyadoo uu shalay is-casilay wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo gadood ciidan oo ka dhacay Gobolka Mudug.
