Monday, July 14, 2025

Maxaa kasoo baxay kulankii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya & Ku-xigeenadiisa…?

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho, kadib markii muddo toddobaad ah uu khilaaf u dhaxeeyay.

Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa markii danbe ayaa kulan gaara yeeshay  Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh iyo ku xigeenadiisa C/weli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad, iyadoo la shaaciyey inay is-afgarad ay gaareen Guddoonka Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in saddex mas’uul ee guddoonka ay is-agarad ka gaareen arrimihii dhex yaallay, laguna heshiiyey in dib loo furo baarlamaanka, dhexdoodana khilaafkii u dhaxeeyay ay soo gabagabeeyeen.

Arrinta Mooshinka ayaa la sheegay in Gudoomiye Mursal uu dalbaday inuu isagu xal u raadinayo oo loo daayo si sharciga loogu kala baxo, taasoo ay aqbaleen guddoomiye ku xigeenada, waxaana xildhibaano ku sugnaa goobta kulanka ay sheegeen in kulamada Baarlamaanka dib loo bilaabi doono waqtiyada soo socda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON