Qaar ka mida musharixiinta madaxweynaha u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah galabta la yeeshay Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka ayaa intiisa badan ku saabsanaa dacwooyin ay qabaan mushariixinta oo ku saabsan doodii baaqatay, xaaladda ammaanka, Madax bannaanida Guddiga iyo qaabka khudbad jeedinta musharixiinta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa dadaal dheer u galay inuu qanciyo musharixiinta oo cabashooyin badan iyo shaki weyn ka qaba xaaladda doorashada madaxweynaha, isagoo ku guuleystay inuu ka qanciyo dhammaan arrimihii ay welwelka ka qabeen.
Waxaa la isla qaatay in jadwalka khudbad jeedinta Musharixiinta uu sidii caadiga ahayd u bilowdo maalinta berri ah, iyadoo ammaanka si weyn loo sugayo, musharaxiintana la siiyay damaanadqaad ku saabsan ammaankooda.
Waxaa musharaxiinta uga qeyb galay kulanka:
1- Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
2- C/raxmaan C/shakuur Warsame
3- C/llaahi Ciilmooge Xersi
iyo xubno kale.
Musharax C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inay wakiil ka ahaayeen musharixiinta kale, isla markaana la isku afgartay oo shirku ku dhammaaday is-faham.
Goobjooge.com