Waxaa goor dhow soo idaaladay kulan caawa dhex maray guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka dhacay xarunta wasaaradda tacliinta ee agagaarak Soobe ee magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay ee dhex maray Guddoomiye Mursal iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre kadib markii uu Madaxtooyada kasoo guuray Guddoomiyaha ayaa la sheegay inay labada mas’uul si gaara uga wadahadleen arrimaha dhex yaalla oo ku saabsan Mooshinka Madaxweynaha iyo khilaafka Baarlamaanka.
Xildhibaanada ku dhow kulanka ayaa sheegay in wadahadalka uu ahaa mid aad u adag, isla markaana uu jiro is-faham, balse weli ay sii socon doonaan kulamada labada dhinac, iyadoo warka kulanka lagu soo koobay inay isku afgarteen xoojinta wada-shaqeyntooda.
Guddoomiyaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa ku heshiin waayay inuu midkood kan kale xaruntiisa ugu tago, taasoo keentay in meel dhexdhexaad ah ay raadiyeen xubnaha waanwaanta ka dhex waday labada dhinac, waxaana kulanku ka socdaa xarunta Wasaaradda Tacliiinta.