Monday, July 7, 2025

Maxaa kasoo baxay kulankii uu Beelaha Hawiye u abaabulay Sanator Muuse Suudi..?

Kulan looga hadlayo maqaamka magaalada Muqdisho iyo xuquuqda ka maqan Gobolka Banaadir oo ay isugu yimaadeen Odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha Hawiye ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Kulankan oo ahaa kii labaad ee noociisa ah ayaa waxaa soo abaabulay Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tisan Aqalka sare, waxaana ka qeyb galay Nabadoonada, waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha Hawiye qaarkood.

Waxaa shirka ku sugnaa  qaar ka mida xildhibaanada labad gole ee beesha Hawiye.  iyadoo dowladda Soomaaliya looga codsaday in Maqaamka Muqdisho xal loo helo isla markaana madaxweynahaa iyo guddoomiyaha G/Banaadir looga fadhiyo arrintaasi.

Ka qeybgalayaasha shirka ayaa ku dooday inuusan shirku ahayn mid lagu mucaaradayo dowladda ama cid kale balse uu yahay shir lagu raadinayo xaqa ka maqan Gobolka Banaadir.

Muuse Suudi ayaa si weyn uga horjeeda dowladda madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre, taasoo ka dambeysay markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON