Friday, July 4, 2025

Maxaa kasoo baxay shirkii gaarka ahaa Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo Madaxda Hirshabeelle & K/Galbeed?

Iyadoo magaalad Garowe ay ku sugan yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedayda Dalka ayaa waxaa waxaa kulan gaara yeeshay Ra’iisal wasaare Kheyre iyo laba ka mida madaxweynayaasha madaxda Maamul Goboleedyada.

Madaxweynayasha HirSsabeelle Maxammed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Lafta-Gareen ayaa si ugu tegay Ra’iisal wasaare Kheyre halka uu ka degan magaalada Garowe, iyadoo kulan gaara yeeshay, waxaana wararku sheegayaan in labada maamul Goboleed ay si buuxda u taageersan yihiin dowladda Federaalka xaalad kasta oo ka dhalata shirka Garowe.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa garab ka heysa laba ka mida shanta maamul Goboleed ee shirka Garowe ka qeyb galaya waxaana heshiis hoos uu kala dhaxeeya madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe, inkastoo aan la isku hubin heshiiskaasi oo weli qabyo ah.

Shirka xasaasiga ah ee magaalada Garowe uga furmaya dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee ay wajahaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre.

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 1 person, sitting, suit, table and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting, suit and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON