Sunday, June 22, 2025

Maxaa keenay inay Alshabaab oo xayiraad kusoo rogto Shaqaalaha Shirkadda Hormuud..?

Amar kasoo baxay Madaxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xayiraad kusoo rogeen dhaqdhaqaaqa Gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom oo ah tan ugu weyn Soomaaliya.

Xogt laga helay ayaa sheegeysa in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay joojiyeen dhammaan socodka iyo shaqada shaqaalaha Shirkadda Hormuud, kadib markii ay ku eedeeyeen taageerada howlgallada ciidamada dowladda.

Ma jito wax war ah oo kasoo baxay Shirkadda Hormuud, laakiin Af-hayeenka ciidanka milateriga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in Al-Shabaab ay magaalooyinka ka jaraan isgaarsiinta iyo biyaha marka ay kasoo baxayaan, balse adeegyadaas markiiba dib loogu soo celiyo degaannadaas.

Ad

Alshabaab ayaa qarax ku burburisay xaruntii Shirkadda Hormuud ee degaanka Qaayib, waxayna ahayd xarun markaas dib loo kiciyey, markii Alshabaab degaankaasi ka baxeen.

Al-Shabaab ayaa diidan in adeegga isgaarsiinta lagu soo celiyo degaanada dawladda Soomaaliya iyo dadka degaankaas kala wareegaan Alshabaab, halka Dowladda Federaalka ay dooneyso in degdeg loogu soo celiyo isgaarsiinta, taasoo sabab u noqotay inay Alshabaab xayiraan shaqaalaha iyo baabuurta shirkaddu inay u kala safraan degaannadaas.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON