Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa amaan iyo bogaadin gaara u jeediyey ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhaba.
Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaara ugu mahadceliyey ciidamada Itoobiya oo sida uu sheegay ka qeyb qaatay sugidda amniga magaalada Baydhaba, taasoo uu sheegay inay keentay doorasho taariikhi ah oo ka dhacay magaaladaasi.
Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ka jeediyey oo ay faafisay madaxtooyada Soomaaliya ayaa wuxuu madaxweyne Farmaajo ku soo hadal qaadin qalalaasihii ka dhacay magaalada Baydbaba, iyo dadkii ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ku dileen. Waxaa kaloo aanu soo hadal qaadin ciidamada AMISOM oo ay ka tirsanayeen ciidamada Itoobiya.
Doorashadii K/Galbeed oo uu ku soo baxay musharixii Madaxtooyada Soomaaliya ee C/casiis Lafta-gareen ayaa lagu eedeeyay dowladda Soomaaliya inay faragelin ku sameysay, kadib markii ay ciidamada Itoobiya u adeegsatay xariga musharax Mukhtar Roobow.
AMISOM ayaa soo saartay bayaan ay ku caddeysay inaysan wax lug ah ku lahayn xarigii Mukhtaar Roobow, taasoo dhalisay su’aalo kale oo ku saabsan in ciidamada Itoobiya ee Baydhaba ku sugan ay si toos ah uga amar qaadanayeen Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo Itoobiya aysan jawaab ka bixin qoraal ay u direen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku saabsan tallaabadii ay ciidamadeeda jooga Baydhaba ku farageliyeen doorashadii Maamulka K/Galbeed.