Thursday, June 26, 2025

Maxaa keenay isbedelka ku yimid Ra’iisal wasaare Kheyre..? [Akhriso Khudbadii magaalada Jowhar]

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isbedel siyaasadeed iyo xaalad qabow la tegay magaalada Jowhar oo maanta lagu caleemo saaray madaxweynaha Hirshabelle.

Khudbadii uu ka jeediyay goobta ayaa ahayd mid gebi ahaan ka duwan habkii ay xukuumadiisa ula dhaqantay maamuladda, siiba Galmudug, wuxuuna si gaar u gacan qaaday Axmed Ducaale Geelle Xaaf isagoo ugu yeeray madxweyne.

Arrintan ayaa ka dhigan isbedel weyn oo xukuumadda uu hoggaamiyo Farmaajo ku yimid iyo guul siyaasadeed oo ay gaareen madaxda maamulalda oo isku baheystay inay ka hortagaan ololaha dowladda dhexe ku dooneysay inay xilalka ug qaado laba ka mida madaxweynayaasha maamullada.

Isagoo ka hadlay arrimaha looga hadli doono shirka wadatashiga ee madaxweyne Farmaajo ugu baaqay madaxda maamul Goboleedyada ayuu yiri “Gogoshii uu fidiyey Madaxweynaha oo aheyd inaan Xamar isugu nimaadno kulligeen, maaha gogol la fidiyey keliya waa gogol loogu talagalay: in wax walbo oo Dowladd Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka kala tabanayaan looga wadahadlo,  in Madaxda Federaalka iyo Dowladd goboleedyada marka ay isugu yimaadaan ay ka tashadaan dalka sidii loo xoreyn lahaa..” 

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa caddeeyay inay naga go’antahay, isaga  iyo Madaxweynaha iyo dhamaan xubnaha Golaha Wasiirada, in dalkan geedi socodkiisa nabadeed lagu soo dabaali doono wadahadal, is ixtiraam, isu dulqaadasho iyo iyadoo danta shakhsiga laga horumarin doono danta qaranka.

Wuxuu ka hadlay khilaafka dowladda Federalka iyo Dowladd Goboeledyada ee muddooyinkii danbe soo if baxay.  “Maalmahan waxaa muuqatay in la aaminsanyahay in Dowladda Federaalka ah iyo Dowladd Goboleedyadu ay kala tageen oo xiriirada isu jareen, si inaanu nahay labo wadan oo kala duwan oo kale. Waxaan idiinku bishaareynaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladd Goboleedyadu inaanay meel kala aadeyn..”.

Kheyre ayaa sheegay in meel waliba oo nidaam ka jiro uu imaan karo khilaaf, laakiin buu yiri khilaafka waxaa lagu dhameynayaa Wadahadal. “Dowladda Federaalka ah waxaa aasaas u ah lashaqeynta Dowladd goboleedyada xubnaha ka ah, hadaanan garbno heysana ma yeeli karno inaan keligeen duulno” ayuuna sii daba dhigay.

Ra’isal wasaare Kheyre ayaa dhinaca kale difaacay  nidaamka federaalka isgoo leh “Qof kastoo naga mida waa inuu kalsooni ku qabaa dowladdnimada iyo nidaamka noo dhisan, nidaamka Federaalka ah waa nidaam ay qaateen Ummadda Soomaaliyeed, jiritaankiisana waxaa go’aan ka gaaray ummada Soomaaliyeed, h waxaan hortiina ku ballan qaadayaa inaan ka shaqeynayno xoojinta Federaaleynta dalka”.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON