Dhismaha Guddiga Cusub ee loogu magac daray Guddiga Taakuleynta Ciidamada Xoogga Dalka, wuxuu soo shaac bixiyay arrimo dhowr ah oo ku saabsan hab-dhaqanka madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo qaabka magacaabidda xilalka.
Dhismaha Guddi tabarucaad oo sadaqo u soo ururiya ciidamada dowladda Soomaaliya waxay bixisay muuqaal ah in dowladda Farmaajo aanay lahayd fikrad dowladnimo oo ay ku abuuri karto dakhli ama ku sixi karto khaladaadka ka jira maamulka ilaha dhaqaalaha dalka.
Arrinta ugu weyn ee laga bartay tallaabadii degdegga ahayd ee Farmaajo ku magacaabay Guddigan ayaa ah qaabka fudeydka ku dhisan ee loo magacaabo xilalka dowladda, isla markaana aan looga baaraan degin hay’adaha la dhisayo iyo shaqsiyaadka la soo xulayo.
Is-casilaadda General Jaamac Maxamed Qaalib ee soo baxay 24 saacadood ka yar markii xilka loo magacaabay waxaa sabab looga dhigay la-tashi la’aan iyo inuusan diyaar u ahayn xil noocaasi oo keli ah.
Gen. Qaalib ayaa sheegay inuu doonayo inuu taariikhda Soomaaliyeed baro dhalinyarada, xilkaasina uga cudurdaartay, isagoo intaasi hadalkiisa ku daray in magacaabista ay ku dhacday si khalad ah.
Afartii bilood ee Madaxweyne Farmaajo uu xilka hayay waxaa dhacay magacaabidii ugu badneyd ee madaxweyne xilka ku cusub uu sameeyo, waxaana la bedelay gebi ahaan madaxda hay’ado maamul, waxaana dowladda Farmaajo lagu xantaa inay noqotay mid ku dhisan xigto iyo xidid.
Goobjooge