Su’aalo badan ayaa ka dhashay qarixii xalay ka dhacay afaafka hore ee Dugsiga Sare ee Booliska Jen. Kaahiye, iyadoo ay xiran yihiin wadooyinka Muqdisho intooda badan, isla markaana howlgallo amni ay ka socdaan caasimadda.
Qaraxa waxaa sheegtay Alshabaab, waxaana ka sokow qasaaraha dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti ee uu dhaliyay ka sii daran su’aalasha ka dhashay ee ku saabsan sida uu ku suuragalay iyo cidda fududeysay, iyadoo dadweynihii ay ku jiraan xayiraad iyo wadooyinka oo looga xiray in laga hortegayo qaraxyada noocaas oo kale ah.
Hay’adaha amniga loogama baran inay soo bandhigaan natiijada baaritaan lagu sameeyay qarax dhacay iyo raadraac uu reebay, laakiin gaariga qarxay ayaan ahayn kii ay ka digeen ciidamada Booliska ee ahaa Toyota Landcruizer- Prado, taasoo micnaheedu yahay in halistii gaarigaasi ay weli taagan tahay.
Su’aalaha iyo farriimaha uu dhaliyey qaraxii xalay waxaa ka mida:
1- Sidee u suuragashay Gaariga Qaraxa siday inuu gaaro albaabka Dugsiga Booliska oo ah xarun si weyn loo ilaaliyo iyo wadadda ay adeegsadaan madaxda dowladda?
2- Halkee lagu diyaariyey Gaariga iyo Qaraxa la saaray, halkeese qaraxa looga xiray?
3- Yaa gacan ka geystay qaraxa iyo inuu gaaro goobtaasi muhiimka ah.?
4- Muqdisho oo howlgal loo xiray inuu Qarax dhici karo.
5- In Talisyada iyo Xarumaha ciidamada sida Booliska oo howlgal Amni ku jira ay qaraxyadi gaari karaan.
6- Iyo in qaabka amniga loo sugayo aan qaraxyada noocan ah lagu joojin karin ee loo baahan yahay qorshooyin kale.
Ciidamada Booliska oo hadda u muuqda inay la wareegeen Amniga Caasimadda waxaa looga fadhiyaa inay wax ka bartaan Qaraxyada Alshabaab oo dabagal dhab ah iyo ka hortag baajin karta la yimaadaan, haddii kale waxay noqon doontaa in xaaladu ku socoto sidii hore oon isbedel lahayn.