Dowladda Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed u balllanqaaday ciddii nolol iyo geeri ku keenta mid ka mida Madaxda Alshabaa, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsan yahay Qaraxyada.
Faahfahint uu Mareykanku ka bixiyay Ninkan ayaa tilmaameysa inuu yahay hoggaamiye sare oo xilal badan ka haya gudaha Alshabaab, isla markaana aad ugu dhow Amiirka kooxdaasi.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cusmaan Maxamed (Injineer Ismaaciil) ayuu Mareykanku sheegay inuu lacag gaareysa 5 milyan oo doollar siin doono ciddii keenta xog ku saabsan, waana Khabiir sare oo Al-shabaab u sameeya qaraxyada.
Eedeysanahan ayaa sidoo kale ah la-taliyaha hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka.
Mareykanka ayaa intaas ku daray in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed uu sidoo kale yahay madaxa waaxda warbaahinta ee Al-shabaab ee Al-kataaib.
Ma jirto muuqaallo laga hayo ninkan oo Mareykanku baahiyey, wuxuuna ka mid yahay liiska sii kordhaya ee madaxda Alshabaab, kuwaas oo Mareykanku dul dhigayo Lacago abaalmarin ah.
