Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo weydiinaya Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Toban xildhibaan ayaa golaha shacabka u gudbiyay mooshinka loogu yeerayo wasiirka, iyadoo loo heysto inuu si fagaare ah canbaareeyay Golaha Shacabka, isla markaana ka hor yimid go’aan ay soo saareen.
Wasiir Xoosh ayaa Golaha shacabka ku tilmaamay mid war-moog ah oo aan waxba ka bedeli karin go’aanka maxkamadda ugu sareysa dalka, isagoo markaasi ka hadlayay qaraarkii Baarlamaanka ku sharciyeeyay 8 kursi oo Maxkamadda sare ay laashay.
Wasiirka ayaa adeegsaday bartiisa Twitter-ka xilli uu ku sugnaa magaalada Kismaayo, wuxuuna noqday wasiirka kaliya ee ku dhiiray inuu ka hadlo tallaabooyinka ay qaadeen xildhibaanada Baarlamaanka.
Xildhibaanada Golaha shacabka oo intooda badan ku yimid qaab musuq ah ayaa u arka in haddii go’aankaasi la fuliyo ay xildhibaano kale kuraastooda halis geli doonto.
Xidhibaanada mooshinka ka keenay Wasiir Xoosh waxaa ka mida: Sharma’arke Saleebaan, Khalif Sheekh Cabdullahi, Mahad Maxamed Salaad, Cabdinasir Nuur, Zakariye Xuseen, Samiiro Xuseen, iyo xildhibaanno kale.