Monday, July 14, 2025

Maxaa loo qariyay kulankii dhex maray Ra’iisal Wasaarayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya..? [Sawirro]

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirka Golaha Guud ee Q/Midoobay ayaa kulan gaara la yeeshay dhiggiisa dalka Itoobiya Haile Mariam Deselgn.

Kulankan oo dowladda Soomaaliya iyo wafdiga Q/Midoobayay qariyeen isla markaana aanay shaacin ayaa waxaa soo bandhigay saxaafadda Itoobiya, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo ku faafisay boggeeda internetka.

Kulanka ayaa la sheegay in  looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, iyadoo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu sheegay in taageero buuxda uu la garab taagan yahay sidii ay Soomaaliya ay u noqon lahayd dal cagihiisa dib isugu taaga.

Laba Ra’iisal wasaare ayaa la arkayay muuqaaladii laga soo qaaday iyagoo si weyn u dhoola caddeynaya, waxayna arrintan ku soo beegmeysaa iyadoo dowladda Soomaaliya cadaadis weyn kala kulantay sarkaal ka tirsan ONLF oo ay u gacan gelisay  Itoobiya.

Cabsi laga qabo dareenka Soomaalida ka qabaan xiriirka madaxa cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay kicisay arrinta C/kariin Qalbi dhagax ayaa sabab looga dhigi karaa in wafdiga Ra’iisal wasaaraha iyo dowladda ay ku dhiiran waayaan inay shaaciyaan kulankan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON