Monday, June 30, 2025

Maxaa looga hadlay kulankii Saacadaha qaatay ee Xasan Sheekh, C/raxmaan C/shakuur iyo C/qaadir Cosoble..?

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Xasan Sheekh Maxamuud, Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali.

Kulanka saddexda nin oo ka mida mucaaradka dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa dhinaca kale kala hoggaaminay xisbiyada UPD, Wadajir iyo Ileys, waxayna sheegeen inay ka wadahadleen xaaladda dalka, iyagoo  ku heshiiyey wadashaqeyn joogto ah.

“Galabta, waxaa hoygeyga igu soo booqday hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Wadajir iyo Ilays, Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali Waxaan kawada hadalnay hirgelinta nidaamka xisbiyadda iyo xaaladda guud ee dalka..” ayuu yiri Xasan Sheekh oo ka hadlay wixii dhex maray kulankooda.

Dhinaca kale waxaa arrimihii looga hadlay kulanka ka hadlay C/raxmaan C/shakuur oo sheegay inay  kulan yeelanay wada yeesheen madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hogaamiyaha Xisbiga UPD, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble Hogaamiyaha Xibsiga Ilays, wuxuna sii raaciyey: “Waxaan kulanka oo saacado qaatay iska warsanay xaalada amni iyo tan siyaasadeed ee dalka. Waxaan hoosta ka wada xariiqnay in aan si Wadajir ah danta guud uga wada shaqayno, kulamo joogta iyo talo balaarina aan samayno…”

Saddexda nin ayaa geed fadhi u ahaa mooshinkii laga keenay madaxweyne Farmaajo ee khalkhalka weyn ku abuuray Golayaasha Baarlamaanka iyo xukuumadda, waxaana jira warar sheegaya in mooshin kale laga diyaarinayo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON