Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal ku maraya dalka Mareykanka ayaa kulan la yeeshay xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken iyo ku xigeenkiisa Victoria Nuland.
Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ku sheegay inay farxad u ahayd la-kulanka Xoghaye Blinken iyo ku xigeenka. “Waxaan isla garanay muhiimadda ay leedahay la-dagaalanka argigixisada, horumarinta dowlad-wanaagga iyo ka-hortagga abaaraha Soomaaliya” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Mareykanka ay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo Soomaaliya ka taageera dhinacyada horumarka iyo dagaalka Alshabaab.
Dhinaca kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ka hadlay kulanka dhex maray madaxweynaha Soomaaliya. “Mareykanka waxaa ka go’an inuu dadka Soomaaliyeed ka caawiyo la dagaallanka argagixisada, ka hortagga macluusha, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo badbaadinta nolosha” ayuu Blinken ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Waxa uu Blinken sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay ka wadahadleen xassilloonida, maamul wanaagga iyo hiigsiga arrimaha bini’aadanimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo gooni-gooni ah la yeeshay saraakiisha sare sare ee Mareykanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin xoghayaha difaaca, la taliyaha amniga qaranka iyo madaxda waaxda maaliyadda Mareykanka.
