Shir degdeg ah oo ay isugu yimaadeen Guddiga Amniga Qaranka ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo uu guddoomiyay Madaxweyne Famaajo.
Shirkan ayaa la isugu yeeray taliyeyaasha ciidmada iyo xubnaha Guddiga Amniga Qaran, waxaana looga hadlay weerarkii Alshabaab ku qaaday baarar caan ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasoo dad badan lagu laayay.
Warar ku dhowdhow madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu su’aalo badan weydiiyay saraakiisha ammaanka, kuwaasoo ku saabsanaa sida uu ku dhacay weerarka iyo waxa khaldamay.
Waxaa algu go’aamiyay in la sii xoojiyo ammanka ammaanka magaalada Muqdisho, lana qaado tallaabo dheeraad ah oo tobanka maalmood ee ugu danbeeya bisha Ramadaan la doonayo in looga hortagoweerarro kale oo dhaca.
Saraakiisha ammaanka ayaa loo sheegay in xisaabtan jiro oo ciddii mas’uuliyadeeda ka gaabisa tallaabo laga qaadi doono.
Goobjooge