Saturday, July 19, 2025

Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Somalia? [Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo…)

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku ansixiyey Qorshaha 9-aad Horumarinta Qaranka oo Golaha ay u soo gudbisay wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka ayaa bedeli doona Qorshihii kii sideedaad ee Horumarinta Qaranka oo ku eg dhammaadka sannadkaan 2019; wuxuuna Soomaaliya u fududeynaya cafinta deynta lagu leeyahay, iyadoo uu sidoo kale dalka ku hoggaamin doona dalka kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta faqriga inta lagu guda jiro shanta sano ee soo socota (2020-2024), sida ay sheegtay wasaaradda Qorsheynta.

Hadafka qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka ayaa ah yareynta saboolnimada iyo sinnaan la’aanta iyada oo loo marayo kobac dhaqaale oo loo dhanyahay, shaqo abuur, hagaajinta amniga, sare u qaadidda sharciga iyo kala dambeynta iyo xoojinta xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Wasaaradda Qorsheynta ayaa diyaarinta qorshaha horumarinta qaranka oo la daah-furay Deseembar 19, 2018, waxa ay wadatashiyo kala sameysay dowlad gobaleedyada, baarlamaanka, iyo dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan oo ku daray talooyin qayb ka qaadanaya horumarinta qaranka shanta sano ee soo socota.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON