Friday, July 18, 2025

Maxaa Maantana loo xiray Wadooyinka Muqdisho?. [Xus & Xaflad kasta qiime ayuu ku kacaa”]

Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdidsho ayaa maanta xiran iyadoo sababta loo xiray ay tahay munaasabadda xuska asaaska ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Ciidamada dowladda ayaa xiray isgoysyada Tarabuunka, Taleex Banaadir, Ex-Koontarool Afgooye iyo wadooyinka soo gala, waxaana dadka Shacabka loo diiday gaadiidkii ay wateen, iyadoo kaliya loo ogol yahay inay lugeeyaan.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya xuska sanadguurada 49aada ee ciidamada asluubta, isagoo furi doona xabsi cusub oo laga dhisay duleedka magaaada Muqdisho.

Ciidamada Amniga ayaa joojiyey isu socodka Gaadiidka, waxaana dadweynaha qasab ku noqotay inay lugeeyaan, iyadoo ay saameyn ku yeelatay shaqaalaha iyo ardayda, waxa sidoo kale dhibaato kasoo gaartaa ganacsiyada magaalada.

Waxaa caado noqotay munaasabad iyo xus kasta oo Muqdisho lagu qabanayo in ciidamada dowladda ay xiraan wadooyinka, taasoo dadka Muqdisho qiime ugu kacda, iyadoo xaaladu aysan marna soo hagaagin.

Image may contain: sky and outdoor
Image may contain: sky and outdoor
Image may contain: sky and outdoor


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON