Maxaa Magaalada Muqdisho kusoo kordhay Booqashada Ra’iisal wasaaraha Itoobiya darteed..? [Warbixin]

0

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad ah mid gebi ahaan xiran oo aan  lahayn wax dhaqdhaqaaq ah, iyadoo wadooyinka iyo xaafadaha magaalada la dhigay ciidamadii ugu faraha badnaa.

Inkastoo ay magaalada kala xirneyd maalmihii ugu danbeeyay ee bisha Ramadaan, waxaan si weyn loo sii xoojiyey toddobaadkii ugu danbeeyay ee ramadaanka oo ay ku jireen maalmihii u diyaargarowga Ciidul fitriga iyo Ciidii oo shalay bilaabatay, waxayna xaaladu noqotay magaalo xiran.

Imaanshaha Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xaaladda uga sii dartay iyadoo qorshaha booqashada ee lagu beegay munaasabadda ciidul fitriga ay ahayd mid aan laga fiirsan oo dowladda Soomaaliya ay awoodi kartay inay waqtiga u bedesho maalmo kale.

Xalay ayaa magaalada la dhigay ciidamo kale oo hor leh iyadoo la dareemay inay jirto xaalad aan caadi ahayn oo markii dambe laga war helay inuu Muqdisho imaanayo marti culus, markii la arkay in calanka Itoobiya lagu xardhay wadooyinka.

Howlgal nadaafadeed iyo diyaargarow weyn ayaa ka socday Wadooyinka Muqdisho xalay oo dhan, waxayna dadka qaarkii is-weydiinayeen qurxinta wadooyinka inay la xiriirto nadaafad iyo inay jirto arrin kale.?

Hore waxaa Muqdisho u yimid Ra’iisal wasaareyaashii hore ee Itoobiya Meles Zenawi iyo Haile Marian Deselgn oo socdaaladooda caasimadda Soomaaliya ay dhici jirtay in maalmo loo sii xiro, lana galo bandow.

Image may contain: sky and outdoor