Xaladda magaalada Gaalkacyo ayaa saaka degan iyadoo ay jirto xiisad colaadeed oo labada maamul ka dhex jirta markii au saxaafadda isu mariyeen warar qalafsan.
Wararkii ugu danbeeyya ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ciidamo badan ay laabda dhinac geeyeen galbeedka magaalada oo shalay iska hor imaadku ka dhacay, kaasoo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Waxaa aad u yar dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana inta badan xiran goobaha Ganacsi, iyadoo ay jirto cabsi colaadeed oo hareysay dadka magaalada oo qaarkood ay ka barakacayaan degaanadooda.
Baaqyo is daba joog ah oo ay dirayaan Odayaasha dhaqanka iyo Isimada magaalada ayaan waxba laga soo qaadin, waxayna magaalada kala qeybsan mar kale wajaheysaa xaalad colaadeed oo ku soo beegantay xilli uu socdo olole doorasho.
Goobjooge.com