Xalay saqdii dhexe ayey soo baxday wareegtada madaxweynaha ee xilka looga qaaday guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka G/Banaadir Xuseem Maxamed Nuur oo lagu tilmaami jiray ninka ugu awoodda badan maamulkaasi.
Xilka guddoomiye ku xigeenka xilka laga qaaday ayaa waxaa saami ahaan u leh beesha uu kasoo jeedo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana la sheegay inuu sababsaday khilaaf muddo u dhaxeeyay Ra’iisal wasaaraha oo ugu danbeyn keenay inuu xilka waayo, kadib sanad iyo saddex bilood ah markii la magacaabay.
Sida ay sheegeyso xogta laga helay xil ka qaadista Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur ayaa salka ku heysa maamulka dhaqaalaha Gobolka Banaadir oo uu ahaa ninka gacanta ku haya, iyadoo ay dhowr jeer isku dhaceen Ra’iisal wasaare Kheyre, markii lacago badan lagu tuhmay inay ku maqan yihiin, markii dambena lagu guuleysan waayey xal loo helo khilaafkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa fuliyey dalabkii Ra’iisal wasaare Kheyre oo ahaa inuu xilka ka xayuubiyo guddoomiye ku xigeenka, iyadoo bedelka xilka loo magacaabay uu yahay shaqsi uu la yimid Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ah kan kaliya ee uu magacaabo Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo gobollada kale ay hoos tagaan maamul Goboleedyada.