Thursday, July 17, 2025

Maxaabiis Alshabaab ah oo ka baxsaday Xasbiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maxaabiis ka tirsanaa Alshabaab oo xukunno hore loogu riday ay ka baxsadeen Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.

Tirada maxaabiista baxsaday ayaa lagu sheegay 3 maxbuus, waxaana ciidamada amniga ay dib u soo qabteen mid ka mida maxaabiistaasi oo gacanta lagu soo dhigay isagoo ku sugan agagaarka Kawaanka Malaayga degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in maxaabiistan Shabaabka ahaa oo hadda weli la raadinayo labada maqan oo kala xukuman xabsi daa’in iyo 15 sano oo xabsi ah. waxaana socda baaritaan lagu hayo arrintan.

Ma cadda sida ay ugu suuragashay in maxaabiistaan Alshabaabka ah ay ka baxsadaan Xabsiga Dhexe oo si weyn loo ilaaliyo, waxayna arrintan dib u dhac u tahay amniga Xabsiga dhexe oo boqolaal maxaabiis ah ku jiraan.

mid ku xukunnaa xabsi daa’im iyo mid kale 15 sano oo xarigah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON