Sunday, July 13, 2025

Maxaabiis badan oo laga qabtay Ciidamadii weerarka kusoo qaaday Degmada Beledxaawo (Sawirro)

Wararkii ugu danbeeyay ee Degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in ciidamo badan oo ka mida kuwii taabacsanaa Wasiirka Amniga Jubbaland lagu qabtay, ayna maxaabiis ahaan isu dhiibeen.

Ciidamadan oo ka badań 100 askari ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee mar qura is dhiiba markii ay dagaal kusoo qaadeen degmada Beledxaawo, waxaana wararku sheegayaan inuu la dejiyey goob gaara oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Dhinaca kale dagaalkii ka socday gudaha degmada Beledxaawo ayaa istaagay, ciidamadii ugu dabeeyay ee ku go’doonsanaa dhismaha shirkadda Hormuud ee magaalada laga saaray goor dhoweyd.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidankii soo weeraray Beledxaawo ay ka qabteen maxaabiis gaaraya 100 askari, wuxuuna ku eedeeyay ciidamada dowladda Kenya inay qeyb ka ahaayeen dagaalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in dagaalka lasoo afjaray, isla markaana la jebiyey duullaan ay Kenya soo abaabushay oo lagu doonayey in lagu qabsado magaalada Beledxaawo.

SAWIRRO

Image may contain: 5 people, outdoor
Image may contain: 6 people, people standing and outdoor
Image may contain: 6 people, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: one or more people and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON