Wednesday, July 2, 2025

XOG ay bixiyeen Askartii C/rashiid Janan ee isu dhiibay Ciidamada Dowladda ee degmada Beledxaawo

Xog dheeraad ah ayaa laga helay Askar badan oo isu dhiibay Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, kadib dagaal xalay ilaa saaka ka socday halkaasi.

Wareysi ay saxafiyiin iyo ciidamada dowladda ka qaadeen askartaasi ayay uga hadleen xaaladooda, sidii ay ugu biireen ciidamada C/rashiid Janan ee maamulka Jubbalanad iyo qaabkii loo soo dagaal geliyey, waxayna intooda badan ka sinnayeen inaysan dagaalamin ee goobihii loogu talogalay inay ka dagaalamaan loogu tegay.

Askartan ayaa isugu jira qaar ka mida ahaa ciidamadii Milateriga dowlada Soomaaliya ee jiray ilaa dowladii C/llaahi Yuusuf, ciidamada Daraawiishta Jubbaland, ciidamada cusub oo bilo ka hor la qoray iyo ciidamo kale oo ahaa kuwii hore ugu signa Gobolka Gedo ee Jubbaland taabacsanaa.

Qaar ka mida askartan ayaa sheegay inay iyagoon ogeyn la geeyay Mandheera, muddo laba bilood ahna aysan heysan wax xiriir ah oo laga qaaday Mobile-dii, waxayna intooda badan sheegeen inaysan dooneynin dagaal ay la galaan ciidamada dowladda oo ay diyaar u yihiin inay ku biiraan.

Waxaa ka muuqday inay ahaayeen askar dhibaateysan oo duruuf xoog leh ka muuqato, isla markaana aan niyad u heynin dagaalka lasoo geliyey, iyadoo muddo bilo ah aan magaalo raag, una ekaa la-heysatayaal.

Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON