Sunday, July 13, 2025

Maxaabiis ku geeriyootay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mida maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ay geeriyoodeen.

Maxaabiista ku geeriyootay xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa la xaqiijiyay inay gaarayaan 2 maxbuus kadib markii uu soo riday Cudurka Shubanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maxaabiis kale ay cudurkan la ildaran yihiin, laakiin taliyaha xabsiga dhexe ee Muqdisho Aadan Xuseen Kulmiye ayaa beeniyay inay jiraan maxaabiis kale oo xaaladoodu liidato.

Taliyaha ayaa sheegay inay la tacaaleen laba maxbuus ee geeriyooday, ayna u soo gurmatay Hay’adda ICRC iyo Bisha Case balse waqtigoodii uu dhammaaday, wuxuuna meesha ka saaray inay jiraan kiisas halis ah, isagoo qiray inay jiraan maxaabiis kale oo cudurka shubanka uu hayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON