Maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta lagu wadaa inay kasoo degaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis ay dhowaan gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo uu hormuud ka ahaa Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo Itoobiya u ogolaatay inay ku wareejiso 120 maxabuus oo Soomaali ah.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in imaanshaha maxaabiistan oo muddo laba jeer ah dib u dhac ku yimid lagu wado inay maanta ka soo degaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu maxaabiistan ka mid yahay weriye caan ah oo muddo dheer ku xirnaa dalka Itoobiya, kaasoo lagu magacaabo Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) oo ahaa weriye dhinaca riwaayadaha barnaamijyada madadaallada ku caan ah.
Goobjooge