Thursday, April 18, 2024

Maxaad ka taqaan Amiirka Qarsoon ee Xarakada Daalibaan ‘Hebatullah Akhundzada’..? (Akhriso)

Kadib guushii ay Daalibaan ka gaareen inay mar kale qabsadaan Dalaka Afghanistan ​​bartamihii Ogost 2021, waxaa si weyn la isu weydiinayaa hoggaamiyaha xarakada, Hebatullah Akhundzadeh oo aan wax badan la maqlin, ahna nin is qariye oo kaliya laga hayo hal sawir.

Mullah Hebatullah Akhundzada waa amiirka dhaqdhaqaaqa Daalibanka ​​tan iyo markii ay doorteen Golaha Shuurada ee xarakada 25 -kii May, 2016, kadib dilkii Mullah Akhtar Muhammad Mansuur oo ahaa amiirkii labaad ee Daalibaan.

Waxaa si weyn looo hadal hayaa magaca Hebatullah Akhundzadeh, iyadoo la is weydiinayo kaalinta uu ku lahaan doono maamulka iyo dowladda ay Daalibaan hoggaamineysa ee laga dhisayo dalka Afghanistan.

Ad

Waa kuma Akhundzadeh .. “Mawlawi”?

Wuxuu ku dhashay Oktoobar 19, 1967, Degmada Banjwayi (koonfur -galbeed Magaalada Kandahar), Gobolka Kandahar, Afghanistan, wuxuuna ka tirsan yahay qabiilka Noorzai.

Hebatullah Akhundzada wuxuu yaraantiisii ​​la noolaa qoyskiisa, aabihiis Abdul Sattar ayaa ahaa imaamka masaajid ku yaal Qandahaar.

- Advertisement -

Hebatullah Akhundzada wuxuu waxbarashadiisii qur’aanka iyo diinta ​​macalin u ahaa aabbihii, wuxuuna qoyskiisa ku qaxay Pakistan kadib duullaankii Ruushku ku qaaday Afghanistan, halkaasna wuxuu ku dhammaystay waxbarashadiisii ​​diineed.

Wuxuu sitaa magaca “Mawlawi” oo ka sarreeya magaca “Mullah” oo uu haystay aasaasihii dhaqdhaqaaqa Daalibaan iyo amiirkii ugu horeeyay ee Xarakada Maxamed Cumar.

Wuxuu ka qaxay Afgaanistaan ​​oo uu aaday Pakistan deriska la ah, halkaas oo uu degay xerada qaxootiga ee “Jungal Bir Alizai” oo ku taal gobolka xuduudda ee Balochistan.

Akhundzada wuxuu ka qaybgalay dagaalladii lagaga soo horjeeday dawladdii Afqhanistan ​​ee taageersanayd Ruushka ee uu hoggaaminayey Maxamed Nuur Tarqi, oo xukunka la wareegay bishii Abriil 1978kii.

- Advertisement -

Wuxuu dhammaadkii siddeetameeyadii la dagaallamay ciidammada Ruushka, isagoo ka mid noqday “Mujaahidiintii” la dagaallamayay Soofiyeetkii Afghanistan. Waxaa la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa asaasayaashii Daalibaan, wuxuuna ahaa gacan -yaraha Mullah Muhammad Cumar.

Sannadkii 1996 -kii, hoggaamiyihii hore ee Daalibaan, Mullah Muxamed Cumar, ayaa u magacaabay madaxa maxkamadda militariga ee Kaabul, waxaana uu mas’uul ka ahaa inta badan fatwooyinka Daaliban iyo xallinta dhibaatooyinka diimeed ee ka dhex jiray xubnaha xarakada.

Sida laga soo xigtay taariikh nololeedkii lagu daabacay barta rasmiga ah ee dhaqdhaqaaqa Daalibaan “Codka Jihaadka”, Akhundzadeh wuxuu ku guulaystay “soo celinta sharciga iyo kala dambaynta” Afghanistan.

Kadib duulaankii Mareykanka ee Afghanistan sanadkii ​​2001, Akhundzadeh wuxuu kaalin “firfircoon oo hoggaamineed” ka qaatay soo nooleynta iyo abaabulka jihaadka ka dhanka ah Mareykanka iyo ciidamada isbahaysiga NATO ee dagaalka ku galay Afghanistan.

Hebatullah Akhundzada koonfurta Pakistan gaaray dabayaaqadii 2001, isagoo hormuud ka noqday dib u habeynta xarakada, isago loogu yeeri jiray “Qaadiga ” maxkamadaha shareecada ee Daaliban.

July 30, 2005: Waxaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaamiyaha cusub ee kooxda, (wakhtigaas) Mullah Akhtar Muhammad Mansuur, kadib markii la xaqiijiyay geerida aasaasihii iyo hoggaamiyihii ruuxiga ahaa Mullah Muhammad Cumar.

May 22, 2015: Hoggaamiyihii Daalibaan, Mullah Akhtar Muhammad Mansuur, ayaa lagu dilay duqeyn ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, meel u dhow magaalada Quetta ee gobolka Balochistan, koonfur -galbeed Pakistan, oo ku taal xadka Afghanistan.

May 25, 2016: Waxay ku dhawaaqeen xubnaha Golaha shuurada Daalibaan “Ahl al-Hal wa al-Aqd Shura” ee dhaqdhaqaaqa Daalibaan in Hebatullah Akhundzada loo doortay “Amiirkii Mu’miniinta”.

June 9, 2018: Dhaqdhaqaaqa Daalibaan ee uu hoggaamiyo Mullah Hebatullah Akhundzadeh ayaa oggolaaday xabbad -joojin ku meel -gaar ah oo ay la galaan dawladda Afgaanistaan, kadib markii Madaxweynaha Afgaanistaan ​​Ashraf Ghani.

Heshiiska Doha

Intii uu Daalibaan hoggaaminayey Akhundzadeh, waxay heshiis nabadeed oo taariikhi ah la saxiixatay Mareykanka, kaasoo ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar 29 -kii Febraayo, 2020, Akhundzada ayaa ku tilmaamay heshiiska “guul weyn” oo kooxdu gaartay.

Akhundzadeh wuxuu ku dhawaaqay in Taalibaan ay cafis u fidin doonto qof kasta oo “ka qaybqaatay colaad ka dhan ah Imaarada Islaamiga.

Waxaa la saadaalinayaa inuu noqon dono hogaaamiyaha sare ee dalka Afghanistan, balse uu xukunka iyo dowladda gacanta la geli doonin oo ay maamuli doono dowlad Daalibaan hoggaamineyso oo ay ku jiraan dhinacyada Afghanistan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON