Haweeneydii labaad ayaa taariikhda dalka Britian ka noqon donta Ra’iisal wasaare, kadib markii uu xilka ka dego Arbacadda Ra’iisal wasaare David Cameron.
Wasiika arrimaha gudaha ee Britain Theresa May, ayaa xilkan qaban doonta iyadoo noqoneysa haweeneydii labaad ee dalkan xil noocan oo kale ah ka qabata, kadib haweeneydii Birta ahayd ee Margeter Tacher.
Theresa May ayaa ah haweeneydii ugu cimriga dheereyd ee wasiir arrimo gudo ka noqota Great Britian, waxaana Arbacadda gelinka dambe loo dhaarin doonaa xilka Ra’iisal wasaaraha kadib marka ay noqoto xisbiga Conservative-ka.
Haweeneydii Andrea Leadsom oo ahayd qofka kaliya ee la tartamayay Theresa May ayaa ka baxday tartanka, iyadoo sheegtay in ay danta Britain ku jirto in hogaamiye la doorto goor dhow, si loo bilaabo ka bixida Midowga Yurub.
David Cameroun ayaa ku dhawaaqay inuu xilka ka tegi doono Arbacadda, wareejin doono Theresa May oo 60 sano u buuxsameysaa dhowaan.
Theresa May, waxay dhalatay 1 October 1956, waxay muddo dheer heysay xilka xoghayaha arrimaha gudaha, waxayna waxbarashadeeda ku qaadatay dugsiyada dowladda ee Wheatley Park Comprehensive School , kadibna waxay ka qalin jebisay St Hugh’s College, Oxford.
Fikradaheeda ku aadan dadka soo galootiga ah ee UK ayaa si weyn loogu eedeeyaa iyadoo taageertay qorshe aad u adkeynaya in dadka Britishka ah ay ehelkooda keensadaan UK. Dhinaca ka bixitaanka Midowga Yurub waxaa mowqifkeeda lagu tilmaamay mid wareersan oo taageerada ka bixitaanka u janjeera.
Haweeneydan waxaa sugeysa howl adag oo ah in dalka Britian ka gudbiso xaalada adag ee ka dhalatay aftidii dalkeedu uga baxay Midowga Yurub, iyo saameynta ay arrintaasi ku yeelan doonto arrimaha dhaqaalaha iyo siyasaddaa.
DAAWO SAWIRRO
GOOBJOOGE.COM