Saturday, July 12, 2025

Maxaad ka taqaan Hoggaamiyihii la is qarxiyey ee Daacish Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurashi..?

Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurashi oo ahaa hoggaamiyihii labaad ee Khilaafada islaamiga Daacish ayaa maanta la xaqiijiyey in lagu dilay weerar ka dhacay dalka Syria oo ay qaadeen ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in militariga Mareykanka ay “khaarijiyeen” hogaamiyaha Daacish, Abu Ibrahim al-Hashemi al-Qurashi, intii lagu guda jiray howlgal ka dhacay waqooyiga Suuriya habeenkii Arbacada.

Sirdoonka Maraykanka iyo Ciraaq ayaa hore u xaqiijiyey in Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurashi uu yahay Turkmen-ka dalka Ciraaq ee Abdullah Qardash, oo sidoo kale loo yaqaan Haji Abdullah oo ka soo jeeda gobolka Naynowah ee Waqooyiga Ciraaq, inkastoo ISIS ka gaabsatay inay sheegto wax war ah oo ku saabsan ninkan.

Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo gaareysa Malaayiin oo Dollar madaxiisa saaray ninkan, taasoo loo ballanqaaday qofkii keena xog horseedi karta in Qardash la helo ama la qabto, waxaana la gaarsiiyay 10 milyan oo dollar.

Sida laga soo xigtay laamaha ammaanka Ciraaq magaciisa dhabta ah waa Amir Muhammad Said Al-Salbi al-Mawla, waxa uu ku dhashay al-Mahalabiya, oo ku taal magaalada Nineveh, 1976-kii, waxaana la dhashay 7 wiil iyo 9 gabdhood. Aabihii waxa uu imaam ka ahaa Masjidka Al-Furqaan ee ku yaala xaafadda Al-Bacath ee magaalada Mosul intii u dhaxeysay 1982 ilaa 2001.

Al-Qurashi ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa dhaxal-sugaha Abu Bakar al-Baghdadi, kaasoo dhamaadkii bishii Oktoobar 2019 lagu dilay howlgal ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen gobolka Idlib, ee waqooyi-galbeed ee Suuriya.

Majaladda Newsweek ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa warbixin ay hore u soo saartay ku sheegtay in Qardash uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada Ciraaq xilligii Saddaam Xuseen, waxaanay intaa ku dartay in xogta isaga ku saabsan ay aad u yar tahay.

Ninkan ayaa la sheegay in lala xiray Abubakar Al-Baghdadi xabsi ku yaalla Bucca ee gobolka Basra, kadib markii xabsiga laga sii daayay waxa uu noqday mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha safka koowaad ee ururka ISIS.

Waxa uu hore u soo qabtay jagada hoggaamiyaha Al-Qaacida, wuxuuna ka qalin jabiyay kuliyada Imaamka weyn ee Jaamacadda magaalada Mosul, isagoo bartay Shatciga.

Abu Qurashi waxay aad isugu dhawaayeen Hoggaamiyaha, Abu Alaa Al-Afri (ku-xigeenkii Al-Baqdaadi, oo la dilay sannadkii 2016-kii) waxa uuna tilmaamay in Aabihii uu ahaa nin leh aftahannimo oo dadka aad wax uga dhaadhiciya.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in maalinba maalinta ka danbeysa ay sii kordhayaan cadeymaha muujinaya in dowladda Islaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq ay dib u soo cusboonaatay, 3 sano kaddib markii ay lumiyeen saldhigii ugu dambeeyay ee ay ku lahaayeen dalalka Ciraaq iyo Syria.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON