Friday, June 27, 2025

Maxaad ka taqaan Ninka Madaxda Dowladda Somalia u xusheen inuu noqdo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe..?

Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan nin ajnabi ah oo dowladda Somalia ay dooneyso inay u magacawdo guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Wasaaradda Maaliyadda Somalia ay iidheh saartay sanadkii hore wargeyska Economist, iyadoo jago bannaan ka dhigtay jagada guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo la sheegay in cid kasta ay soo codsan karto, iyadoo xilligaasi uu dhaqangal ahaa sharciga Bankiga dhexe oo kaliya ogolaanaya inuu Bankiga hoggaamin kara muwaadin Soomali ah.

Ninka ay dowladda Somalia u soo xushay inuu guddoomiye ka noqdo Bankiga Dhexe ee Soomaliya ayaa la sheegay inuu yahay Nigel Roboerts oo u dhashay UK, isla markaana hay’adaha horumarinta ee caalamiga ah kasoo shaqeeyay muddo 40 sano ah.

Nigel Roboerts Waqtigiisa intiisa badan wuxuu ku qaatay Afrika iyo Aasiya, isagoo ku noolaa dalalka Malawi, Hong Kong, wuxuuna kasoo shaqeeyay dalalka Thailand, Nepal, Hong Kong, Kenya, Itoobiya, Falastiin iyo Australia.

Wuxuu Bakiga dhexe ee Adduunka ku biiray sanadkii 1981, waa nin ku takhasusay Dhaqaalaha dhinaca Beeraha, wuxuuna kala shaqeeyay Bankiga Adduunka dalalka Kenya, Sudan, Somalia, Uganda iyo Comoros.

Wuxuu Nigel Roboerts shahaadada MA ku heystaa English Literature ee Jaamacadda Oxford, wuxuu kaloo heystaa Shahaadada  MPhil ee Agricultural Economics ee Jaamacadda Reading, waxayna wararku sheegayaan in madaxda dowladda Federaalka ay ninkan u xusheen hoggaaminta Bankiga Dhexe.

Caqabada kaliya ee hortaagan ayaa ah wax ka bedelka sharciga Bankiga Dhexe oo la filayo in Isniinta la hor keeno Baarlamaanka, kaasoo dad badan ay rumeysan yihiin in Baarlamaanka hadda jira iska ogolaan doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON