Friday, June 27, 2025

Maxaad ka taqaan Wasiir ku xigeenka Maamula Gobolka Gedo ee aan hoos tegin Jubbaland & Xukuumadda Federaalka?

Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Dowlad Gobolkeedka Jubaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa Wareegto uu soo saaray shaqadii uga joojiyey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gobolka Gedo Nasteex Cabdi Saalax oo ku-sime ahaan xilka u hayey.

Wasiir ku xigeenkan oo kasoo goostay maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe, isuna dhiibay dowladda Federaalka (Akhriso), isla markaana hoostaga Hay’adda NISA ee dowladda Federaalka ayaa sheegay inuu shaqo joojinta u sameeyay Guddooomniye ki-xigeenka Gobolka Gedo, kadib markii uu xasilooni darro ka abuuray Gobolka, marklii uu 24 saac gudahood xilka uga qaaday saddex mas’uul.

Mar la weydiiyey xilka uu hayo wuxuu ku dooday inuu Sii-hayaha xilka Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ka yahay maamulkii ugu danbeeyay ee Jubbaland oo la isku racsanaa.

Xaaladda C/raxmaan Maxamed Xuseen waxaa qoraal kooban uga hadlay wasiirkii hore ee Qorsheynta Maamulka Jubbaland oo kasoo jeeda Gobolka Gedo, Adan Aw-xersi, wuxuuna yiri:

1- Wasiir Ku-Xigeen Jubbaland ayaa ka taliya (Gedo).

2- Labadii (2) sano ee la soo dhaafay 70 xil-ka-qaadis oo Facebook u badan buu sameeyey.

3- Kama amar qaato Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubaland.

4- Mana hoos-tago Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka.

5 (3 & 4 awgood) Ma dhegaystaan hay’adaha Samafalka iyo Beesha Caalamka inteeda kale toona.

6- Xilligan uu dadku bartanka uga jiro aanay sii xumaanayaan abaaraha iyo macaluusha ba’an, isaga iyo ragiisuba talo iyo teelo midna uma hayaan dadka iyo degaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON