Tuesday, June 24, 2025

Maxaad ka taqaanaa Madaxweynaha maamul Goboleedka Somaliland ee Muqdisho..?

Doorashada 2016 ayaa keentay is qabqabsi badan oo ku saabsan Aqalka cusub ee sare iyo sida loo qeybsanayo, kaasoo lagu saleeyay maamul Goboleedyo.

Madasha Qaran ayaa is qabadsiin weyday qaabka Somaliland uga qeyb qaadaneyso Aqalka sare, waxaana markii danbe loo niyeystay inay tahay maamul Goboleed, waxaana isku qoonde laga dhigay Puntland iyo Somaliland.

jaamac
Gen. Jaamac Maxamed Qaalib

Inkatoo aan weli lagu heshiin xubnaha aqalka sare ee Somaliland ka imaanaya iyo sida loo qeybinayo beelaha Waqooyi, waxaa haddana dhibaato lagala kulmay cidda loo magacaabeysa musharixiinta aqalka sare.

Ugu danbeyn waxaa la magacaabay Guddi uu madax ama madaxweyne u yahay siyaasiga ruugcadaaga ah ee Jaamac Maxamed Qaalib oo sida muuqata u taagan madaxweynaha maamul Goboleedka Somaliland ee Muqdisho joogga ah.

Jneraal Jaamac Maxamed Qaalib wuxuu ka mid ahaa saraakiishii sare ee ciidamada Soomaaliya sida Booliska iyo Nabadsugidda, wuxuuna muddo dheer u ololeynayay midnimada Soomaaliya isagoo xilala kala duwan kasoo qabtay dowladihii Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood waxay magacyadooda kala yihiin:

jaamac-keatingguddi-somaliland

Guddigan waxaa u taagan maamul Goboleedka Somaliland waxay kulam la yeesheen xalay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating iyagoo kala hadlay qabashada Doorashada labada aqal ee kasoo jeeda Somaliland.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON