Kadib ansixintii xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo Baarlamaanka Federaalka cod u qaaday shalay waxay neef weyn kasoo fujisay dad badan oo doonayay inay xukuumaddan marto Baarlamaanka.
Wasiirkii ugu horeeyay ee hamblyada ansixinta la wadaagay dadka ayaa noqday wasiirka cusub ee Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/rxaman Ducaale Beyle oo ilbiriqsiyo kadib markii la ansixiyay bartiisa twtitterka soo dhigay hambalyada ansixinta xukumadda.
“Waxaan u hambaleyena dhamaan Xildhibaanada Soomaaliyeed oo cod aqlibayad ah ku ansixiyay Golaha Xukuumada, waxaana u shaqeyn doonna dadka, dalka iyo diinta” ayuu qoraalkiisa ku yiri Dr. Beyle.
Xilka wasaaradda Maaliyadda ayaa noqday mid calmadaan beelo badan, iyadoo diidmada xukuumadda cusub ay sal u ahayd in beeshii hore u heysay xilkan laga wareejiyay, waxana laga yaabaa inuu Wasiir Beyle ahaa wasiirka ugu darran ee halista ku jiray, heleyna wasaaradda ugu fiican dowladda.
Goobjooge.com