Weriye C/maalik Muuse Coldoon ayaa saaka la hor keenay maxkamadda Gobolka Hargeysa (Maroodijeex) ee maamulka Somaliland, kadib muddo 5 bilood ah oo uu xirnaa.
Maxkamadda ayaa wax denbi ah ku weysay Weriye C/maalik, waxayna soo saaray xukun ah inaan wax denbi ah lagu helin, xoriyadiisana la siiyo, haddii aan denbiyo kale loo heysan.
Xeer ilaalinta ayaa rafcaan ka qaadatay xukunka Maxkamadda, waxayna dalbatay in xabsiga dib loogu celiyo, taasoo kentay inuu xoriyadiisa heli waayo maanta C/maalik Coldoon oo maamulka Somaliland u xirnaa tan iyo bishii Ogost 2021.
Qareenka Weriye Coldoon Qareen Jamaal Mandela ayaa cambaareeyay rafcaanka ay qaadatay xer ilaalinta, taasoo uu sheegay inay tahay sharci darro ay caadeysatay Xeer ilaalinta, kadib markii denbiyadii la dhoodhoobay lagu waayo dadka lasoo eedeeyay.
