Monday, June 23, 2025

Maxamed C/raxman Yariisow oo jeediyey Khudbadii Qoyska Marxuumka ee isu soo bixii Muqdisho [Sawirro]

Wiilka ugu weyn caruurta Marxuum Yariisow oo lagu magacaabo Maxamed C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa jeediyey khubadii Qoyska Marxuumka ugu talogaleen isu soo bixii Ducada ahaa ee maanta loo sameeyay Geerida marxuumka.

Waxaa munaabadda ku sugnaa inta badan qoyska Marxuum Yariisow oo dalka la yimid meydkii, waxaana Maxamed C/raxmaan Yariisow laga dareemi karay in Af-Soomaaliga uu adkaa, balse wuxuu ku hadlaa luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga.

HOOS KA AKHRISO KHUDBADIISA

Ad

Salaamu caleykum, warax-matullaahi.

Mudane Madaxweyne, Mudanayaal iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed, Marka horka hore waxaan isaga Tacsiyee-neynaa Geerida ku timid Allaha U naxriistee Duqii Magaalada Ahaana Guddomiyihii Gobolka Banaadir, Abdirahman Omar Osman (Eng. Yariisow).
Allaha u naxriistee, Aabe Abdirahman, ma uusan ka dhiman oo kaliya qoyskiisa, balse waxa uu ka geeriyooday shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed. Waxaan ummada Soomaaliyeed kaga Mahadcelinayaa Ducadii ay la garab taagnaayeen intii uu Hospitalka ku jiray iyo Markii uu geeriyooday kadib, iyo Maanta oo aan u taagan-nahay in aan u duceyno.
Madaxda Dowladda waxaan kaga Mahadcelinayaa dadaalka iyo Juhdiga ay ku bixiyeen Marxuumka.
Allaha u naxriistee Aabe, waxa uu ahaa nin shaqooyin badan kasoo qabtay Dowladda, isla markaana lasoo shaqeeyay dad kala gedisan, waxaan u Mahad celinayaa dhamaan intii lasoo shaqeeyay Eng. Yariisow, oo ku garab-siisay in shaqadiisa uu ka guul gaari.Shacabka Gobolka Banaadir, waxaan idin ku baaqayaa in aad halkeeda kasii wadaan howlihii iyo shaqooyinkii uu caasimadaan ka waday Marxuumka si caasimadaan u noqoto mid horumarta.
MAHADSANID

Maxamed C/raxman Yariisow oo jeediyey khudbadii Qoyska Marxuumka ee isu soo bixii Muqdisho

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON