Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca amniga Maxamed Cabdullaahi Tuulah ayaa ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho oo uu dhaawac ka soo gaaray.
Wuxuu sheegay in 7 ka mida askartii la socotay ee ilaalada u ahayd iyo Darawalkiisii ay qaraxa ku dhinteen, isaguna uu fiican yahay, wuxuuna intaas ku daray in falalka noocaas oo kale ah ay ku dhiirigelinayaan inay sii xoojiyaan dagaalka argagixisada.
HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO DIRAY
“Walaalayaal ilaahay samir iyo iimaan hanaga siiyo dhamaan dadkii ku geeriyooday qarixii wuxuushnimada ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka theatre ka. Aniga waan fiicanahay Alxamdulilaah ilaahay ayaa naga badbaadshay waxaa ku geeriyooday 7 ka mid ah askartii ila socotay iyo darawalkii.. ilaahay ha’ u naxariisto samir iyo iimaana hanaga siiyo iyo guud ahaan ciidankii madaxtooyada oo wax yeelo kasoo gaartay. Waxaan ka qaadaynaa falalka nuucaan oo kale dhiirigelin iyo inaan sii laba jibaarno la dagaalanka cadawga umadda Soomaaliyeed. Waxaan tacsi gaar ah u dirayaa bahda Tv-ga Universal oo uu ka baxay Cawil Daahir Salaad iyo intii la socotay ilaahay samir iyo iimaan hanaga siiyo.
Sawirka hoose waa gaarigii aan saarnaa iyo sida uu noqday