Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa xariga Ciidamada Kenya kula kaceen Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo aqoonyahan ka faalooda Arrimaha Siyaasada, kaasoo xalay saqdii dhexe lagala baxay Gurigiisa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Dr. Bursaliid sababta loo xiray ay tahay shir ay isaga iyo siyaasiyiin kale shalay ku qabsadeen magaalada Nairobi oo ay isugu yimaadeen xubno sameystay Xisbi Siyaasadeed oo la yiraahdo Maandeeq Party.
Dowladda Kenya ayaa ka war heshay kulankaasi oo aan la ogeysiin shirkaasi iyo dhismaha xisbiga, taasoo keentay in lasoo dabagalo dadkii abaabulay shirkaasi.
Waxaaa jira siyaasiyiin kale oo lala xiray Dr. Bursaliid, kuwaasoo magacyadooda lagu sheegay Cali Cabdi Maxamed, Geelle Diiriye iyo nin kale oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen.
Waxaa socda dadaal lagu doonayo in lagu sii daayo Dr Ibraahim Faarax Bursaliid, iyadoo loo qabtay Qareeno u dooda.