Friday, April 19, 2024

Faahfaahin: Ciidamada Dowladda Somalia oo si bareer ah u dilay Darawal Mooto Bajaaj…

Askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa si bareer ah u dilay Darawal Mooto bajaaj, wuxuuna falkan ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamada falkan geystay ayaa watay Gaari Cabdi Bille oo kuwa dagaalka ah, waxayna rasaas ku tureen Mooto Bajaajta oo hor socotay, waxaana darawal ka ahaa Cali Maxamed Warsame, degaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo isla goobta ku geeriyooday.

Ad

Ciidamada falkan geystay ayaa goobta ka baxsaday iyagoo aan u hakan falka dilka ah oo ay geysteen, waxaan meydka darawalka la geeyay xarunta CID-da magaalada Muqdisho oo sawirro looga qaaday, si baaritaan loogu sameeyo.

Marxuum Cali Maxamed Warsame ayaa la sheegay inuu muddo badan yaallay meydkiisa goobta lagu dilay oo markii danbe ay ka qaadeen qaar ka mid ah eheladiisa oo geeyay CID-da.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON